Nabadoonno lagu xiray Boosaaso

Boosaaso (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray labo nabadoon oo caan ah.

Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah odayaasha gobolka Bari, ayaa saxaafadda maxalliga u sheegay in labada nabadoon la xiray xalay iyo saakay, waxaana watay ciidamo ka tirsan Puntland ayuu yiri.

Labada Nabaddoon ee la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, waaana odayaal caan ka ah magaalada Boosaaso.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Boosaaso iyo hey'addaha oo ammaanka oo ku aadana waxyaabaha loo heesto labada nabadoon, laakin ilo madax bannaan ayaa sheegay in labada nabadoon ay shalay warbaahinta gudaha u sheegeen in ay ka soo horjeedaan heshiis madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ay la soo galeen dowladda Imaaraadka.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Boosaaso ayaa cambaareyay xirraga iyo handaada lagu hayo nabadoonada ku dhaqan Puntland.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category