Nin loogu diidey codsigii Jinsiyada Denmark lacagta wada marida baabuurka oo uu bixinteedii la yar daahey.

RH. Kolding: Tut Garang Gatwech waa 40 jir waxa uu ku dhashey wadanka Suudaan waxbarashadiisa sare waxa uu kuqaatey  Denmark, wakhtigan xaadirka ah na waxa uu ka shaqeeyaa Dat-Schaub.

Sannadkii 2001 ayaa qaxoonti ahaan lagaga soo qaadey dalka Suudaan

 

Hadaba dhawaan ayaa codsigii jinsiyada wadanka Denmark loo diidey maadaama hay’ada deymaha diiwaangalisaa usheegtey in lagu leeyahay lacagyar oo cashuursanadeedka kaga hadhay , markii uu lacagtaas bixiyey  ayaa hadana loosheegay in aanu ka mid noqon karin dadka jisiyada la siinayo doorkan.

 

Mar uu ka hadlayey dareenkiisa waxa uu sheegay in aanu markii hore ka nixin oo uu qunyar telefoon u direy si uu u hubiyo in uu jiro ismaandhaaf.

 

Waxaa  loo sheegay in aanu jirin wax ismaandhaaf ahi balse fariinta loo soo direy ku qotonto lacagtii wada marida baabuurka oo aanu wali bixin sidaasi awgeen aanu ka mid noqonkarin qolada shuruudihii buuxisey ee codsigoodii la gudbiyey 29.Okt.

Aad buu ula yaabey maadaama oo uu aamin sanaa in uu labada lacagoodba uubixiyey , waxaanu keenay cadeyntii in uu lacagtaas bixiyey, Markale ayaa loo soo jawaabey waxaana loo sheegay in ay aheyd in uu  14 cisho gudahood kusoo bixiso labada lacagoodba laakiin ay wadamaridu xilligeedii uu kubixin lahaa ay dib uga dhacdey.

Waxa uu u dacwoodey wasaarada maareynta arimaha ajanbiga oo hawsha qaadashada jinsiyadu hoostimaado , waaxey ku raaceen go’aankii hore ee ahaa in aanu shuruuridhii buuxinin.

Intaasi markii ay dhacdey ayuu sheekadiisii la wadaagey saxaafada .  

Qaadashada jinsiyada Denmark ayaa aad u adag waxaana ka mid ah shuruudaha la rabo in uu qofku buuxiyo .

  1. in uu dalka ku noolaa ugu yaraan 9 sanno oo xidhiidha
  2. uu shaqeysto ama is masruufayey 5tii  sanno ee u dambeysay.
  3. aanu gallin wax dambi ah oo uu xukun ugu dhacey.
  4. aan dawladu ku laheyn wax deyn ah.
  5. uu haysto shahaadado dhawra oo dhanka luqada ah.
  6. uu ka gubo imtixixaanka jisiyada oo lagu waydiiyo qofka su’aalo qoraala oo ku saabsan aqoonta guud ee taariikhda,siyaasada iyo arimaha  bushada ee wadanka Denmark.

Diyaarinta warka . Mohamed-amiin Siyad Abdi

Category