Norway: tirada dadka shaqo beelay oo cirka isku shareertay

RH: 412 kun  oo  qof ayaa isu diiwaan galliyey shaqo laawe  dalka Norway  sidaas waxaa cadeysay hay'ada shaqada ee dalkaas oo loo soo gaabiyo magaceeda (NAV)norske arbejdsforvaltning

arintan ayaa la sheegay in ay u sababtey dhibaatada uu abuurey caabuqa Corona ee dunida ku baahay

dhamaadkii bishii Maarso waxa ay tirada shaqo laawayaashu mareysay 301 kun oo qof kuwaas oo gabi ahaanba waayey shaqadoodii sida uu cadeeyay agaasimaha barwaaqo sooranka Sifrun Vågeng.

waxay tiradaasi u dhigantaa 10,7 % dadka kujira da'da shaqada ee dalka Norway

sidoo kale 97 kun oo kale ayaa isu diiwaan galliyey in ay qeyb ahaan waayeen shaqadoodii.

shaqo la'aantan yaa inteeda badni dhacey intii lagu guda jiray bishii hore ee Maarso.

Vågeng  ayaa sheegay in ay arintani dhacdey kadib kolkii ay dawladu ku dhawaaqdey in dalka la xidhay si looga hortago fiditaanka caabuqa Carona, kaas oo  sababey in ay shaqo bixiyayaashii eryaan shaqaalahoodii.

Wadanka Denmark ayaa isagana ay arintani saameysay inkasta oo ay tiradu ka yartahay taas waxaana shaqo beelay tan iyo 9.Maarso 42.315 qof.

Labada dal ayaa bilaabey in ay balanqaadaan xidhmooyin lacag ah oo lagu kabayo shaqeeyaha iyo loo shaqeeyahaba.

Category