Puntland oo markii ugu horreysay ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod

Qardhow (RH) Maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah markii ugu horreysay qabanaya doorasho qof iyo cod ah, waxaana dadweynaha Puntland ay dooranayaan xubnaha golayaasha deeganka ee matalaya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codeeyay degmada Qardho waxaana uu horrey u sheegay in doorashadan ay hordhac u tahay nidaamka axsaabta badan ee la filayo in laga hirgaliyo deegannadaas.

Doorashadan ayaa ka dhacaysa saddex degmo oo kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl.Puntland oo markii ugu horreysay ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod

Illaa sideed xisbi siyaasadeed ayaa ku tartamaya degmooyinka Ufeyn iyo Eyl iyo toddobo xisbi siyaasadeed oo ku tartamaya degmada Qardho.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa saxaafadda u sheegay in doorashadan ay ka dhaceyso illaa 54 xarumood, ayna diiwangaliyeen dad ku dhow 40,000 oo qof oo codadkooda ka dhiibanaya.

Musharixiinta tartamaya ayaa gaaraya illaa 449 qof iyagoo ku tartamaya illaa 87 kursi oo saddexda degmo ah.

Guddiga doorashada ayaa sheegay illaa 37,000 oo qof ayaa kaararka codeynta la siiyay kuwaasoo saaka codadkooda ka dhiibanaya goobaha doorashada ay ka socoto.

Doorashada ayaa si rasmi ah u billaabatay 6-da subaxnimo waxaana la filayaa in ay soo xiranto illaa 6-da maqribnimo sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax Barre.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dadka codeenaya ay xiran yihiin afsaabka looga gaashanto feyriska Corona.Doorasho qof iyo cod ah oo ka billaabatay degmooyin ka tirsan Puntland:Doorasho qof iyo cod ah oo ka billaabatay degmooyin ka tirsan Puntland:

Madaxweynaha Puntland oo ka codeeyay QardhoPuntland oo markii ugu horreysay ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod
Category