Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo u geeriyooday Coronavirus

London (RH)-Magaalada London, waxaa ku geeriyooday ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde), sida qaar ka mid ah ehelkiisa ay u xaqiijiyeen warbaahinta.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuusanayay isbitaal ku yaalla London, waxaana uu u dhinta xanuunka safmarkan ah ee Covid-19.

Nuur Cadde ayaa waxaa loo magacaabay Ra'isul wasaare bishii November sannadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda uu madaxweynaha ahaa ka ahaa allaha u naxariisto Cabdullaahi Yuusuf Axmed ay fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay, isagoo xilkaas hayay tan iyo sannadkii 2009-kii.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska marxuumka uga tacsiyeeyay geerida Nuur Cadde.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category