Shirkii Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Go’aamo Laga Soo Saarey

Hargeysa(RH):-Fadhigii 81aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Sonmaliland oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Goluhu war-biximo kaga dhegaystay wasiirrada wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Horumarinta Caafimaadka iyo Hawlaha guud dhulka iyo guryeynta.

Ugu horrayn goluhu wuxuu warbiximo ka dhegeystay Guddidii hore loogu xilsaaray ka soo talo bixinta xal-u-helidda mushkiladdaha soo noq-noqday ee dhulka. Dood iyo falanqayn dheer kaddibna waxa Golaha ka soo baxay qodobbadan la xidhidha dulka:

1. In bulshada lagu wacyi-geliyo in aan xoolaha laga xidhan daaqa, maadaama xooluhu ay kaalin weyn kaga jiraan dhaqaalaha dalka, isla markaana aan laga maarmi karin faa’iidooyinka laga helo xoolaha. Dedaalka loogu jiro in la tirtiro seerayaasha daaqa ee cid gaar ahi xidhatay, ayaa soo taxnaa muddo dheer oo ka soo bilaabantay ilaa xukuumadihii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo in badan bulshada laga waaniyey in aan cidina si gaar ah daaq u xidhan karin, waxaana muuqata in dadka qaarkii aanay tix-gelin danta guud oo ah in daaqa la wada yeesho xooluhuna u sinnaadaan.

Sidaa darteed, cidda ka dhego-adaygta wacyi-gelintan cusub, dawladdu waxa ay ka qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan, isla mar ahaantaana, waxa gacanta dawladda dib loogu soo celin doonaa Sareeyaasha hadda u xidhan cid gaar ah.  

2. Waxa Guddida loo xilsaaray in ay dib u eegis iyo dib u habayn ku soo sameeyaan Siyaasadda dhulka Qaranka, golahana dib ugu soo celiyaan muddo gaaban kaddib, si loo ansixiyo.

3. In ay soo diyaariyaan Qabyo-qoraalkii Xeerka Maamulka Dhulka, golahana ku soo celiyaan, si loo dhammaystiro looguna gudbiyo Baarlamaanka.

4. In Guddidu sahan dheer iyo cilmi-baadhis ka dib ay muddo 30-maalmood gudahood ah talo urursan kaga keento kala-xadaynta Beeraha iyo Dhulka Degsiimooyinka ah.

Sidoo kale, waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Guddi hore loogu xilsaaray ka soo talo bixinta Isticmaalka Baraha Bulshada (Social Media). Waxaanay Guddidu Golaha uga war-bixisay caqabadaha ka jira isticmaalka Baraha Bulshada iyo tallaabooyinka loo baahan yahay ee xal u noqon kara caqabadahaas, iyadoo Guddida la siiyey inay muddo 30 maalmood ah ku keenaan tallooyin la xidhiidha sidii loo fulin lahaa qodobbada ay ku taliyeen in la fuliyo.

Ugu danbayn, Goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo uga war-bixiyey in uu socdo dedaalka ka hortagga iyo wacyi-gelinta Covid-19, Wasaaradduna ay xil weyn iska saartay in aan cusbitaallada waaweyn marnaba aan laga waayin Ogsajiinta oo bukaanka Covid-19-ku ku dhacaa ay baahi weyn u qabaan.

 

Category