Somaliland Oo Tallaabo Ka Qaadaysa Dadka Marfashyada Ku Qayila iyo Goobaha Shaaha Lagu Cabbo

Hargeysa(RH)Ciidamada Amaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dhaqan gelinaya amar uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku siiyey in ay xidhaan dadka iskugu yimaada goobaha dadweynaha iyo marfashyada lagu qayilo .

 

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ka mida guddiga ka hortaga iyo xakamaynta cudurka Coronavirus-ka ayaa  warbaahinta u sheegay in ciidanka nabadgelyada Somaliland ay saaka dhaqan gelinayaa amar ay xukuumaddu ku siiyey in ay xidhaan dadka iskugu yimaada goobaha lagu qayilo ee loo yaqaan marfashyada iyo goobaha lagu cabbo shaaha ama sharaabka .

 

Dhinaca Kale Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in tallaabo ka qaadayaan ganacstada yaryar ee kor u qaaday qiimaha lagu iibiyo maciishada xilli aanu is bedel ku imaan qiimaha ay kaga iibiyaan ganacsatada waaweyn ee soo dejiya .

 

Category