Soomaaliya oo laga cafiyay qeyb ka mid ah deyntii lagu lahaa

Wadamada bixiya deymaha ee ku midaysan ururka Paris Club ayaa isku raacay inay Soomaaliya ka cafiyaan deyn dhan 1.4 bilyan oo doolar.

Go'aankan ayaa Soomaaliya u suuragalinaya in ay raadsato ilo dhaqaale oo cusub taasi oo gacan ka gaysan doonta dib uga soo kabashada Soomaaliya 30 sano oo dagaal sokeeeye ah.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr Abdirahman Beyle ,ayaa soo dhaweeyay go'aanka Soomaaliya looga cafinayo sadax meelood meel deyntii dibadaha looga lahaa.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in arrintan ay tahay tallaabo uu dalkiisa horey u qaaday islamarkana uu so dhaweynayo.

"Waxaan wadaxaajood mira dhal ah la yeelanay wadamada ku bahoobay Paris Club waana soo dhaweynaynaa taageeradooda ay nooga cafiyeen deyntii ay nagu lahaayeen ," waxaa u wasiir Beyle sidaasi u sheegay wakaalad wararka ee Reuters.

Wsaiirka ayaa sheegay in ay sii wadi doonto isbadalada dhaqaale ee horseeday heshiiska deen cafinta Soomaaliya.

Go'aankan ayaa ka dambeeyay ka dib kulan ay sarakiisha wadamadan ay yeesheen iyaga oo adeegsanaya qalabka casiga ah ee la iska arko, waxa uuna kulankaasi qaatay in ka badan 9 saacadood.

Sida ay wakaalada wararka ee Reuters ka soo xigatay sargaal ka tirsan hay'adda lacagta aduunka ee IMF, wadamo badan ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka cafiyaan deymihii ay ku lahaayeen.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii bangiga aduunka iyo hay'adda IMF ay sheegeen in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyiinkii loo baahnaa si deymaha looga cafiyo.

Sidee deyn 5 bilyan oo doolar ah loogu yeeshay Soomaaliya?

Deynta ay Soomaaliya qaadatay xilligii uu dalka ka jiray xukunkii kacaanka ayaa loo adeegsaday mashaariic kala duwan oo la gudagalay wixii ka dambeeyay 1970-meeyadii.

Bogga looga faalloodo xaqiiqooyinka caalamka ee Index Mundi ayaa lagu daabacay sida uu qiimaha deynta isku baddalay 40-kii sano ee aan la bixinin gudahooda.

Qiyaastii $70 milyan oo doolar ayey lacagtaas ahayd sannadkii 1970-kii halka sannadkii 2011-kiina ay mareysay $1.6 bilyan oo doolar, sida lagu qoray bogga Index Mundi.

Hase ahaatee hadda waxaa deynta Soomaaliya lagu leeyahay lagu qiyaasayaa 4.6 bilyan oo doolar.

Waxay dad badan dareensan yihiin in dulsaarka sannad walba fuulayay uu ka batay qiimihii asalka ahaa ee deyntaas.

 

isha warka .BBC

Category