Soomaaliya oo sheegtay xilliga dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah

MUQDISHO:Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u fureyso duulimaadyada caalamiga ah iyo dhammaan adeegyadii kale ee bartamihii bishii March loo joojiyey cudurka COVID-19 dartiis.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri “Golaha wasiirrada JFS ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona.”

Sida lagu sheegay qoraalka, shirka ayaa lagu shaaciyay in duulimaadyada heerka caalami ee dalka dib loo billaabayo 3-da Bisha August ee 2020. Dawladda Soomaaliya ayaa horey dib ugu billowday duulimaadyadii gudaha 5-tii July.

Golaha Wasiirada waxa uu sidoo kale ogolaaday in Iskuullada iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo 15-ka August 2020, kadib bilooyin ay u xirnaayeen cudurka COVID-19.

Dib u furidda dhammaan adeegyada ayaa golohu ku macneeyay saameynta xanuunka COVID19 oo hoos u dhacay, sida lagu sheegay qoraalka.

 

xigasho. VOA

Category