Wax ka ogow wasaaradda awoodda badan ee Kenya ee loo magacaabay siyaasiga Soomaaliga ah

Nairobi (RH)-Madaxweynaha Kenya ayaa golihiisa wasiirrada kusoo daray Aadan Barre Ducaale, oo kasoo jeeda Soomaalida Kenya, waxa uuna noqday Soomaaliga keliya ee ka dhex muuqda 22 wasiir oo lagu dhawaaqay.

Aadan Barre wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo ay marxalado badan isla soo mareen.

Haddii la ansixiyo, Ducaale waxa uu beddeli doonaa Monica Juma, oo xilkaas heysay tan iyo 30-kii bishii Sebteembar ee sanadkii la soo dhaafay.

Maxamed Yuusuf Xaaji ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Soomaali ah oo qabta xilkan awoodda badan, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Muwai Kibaki. Waxa uu Xaaji wasaaraddan maamulayay intii u dhaxeysay 8-dii Jannaayo ee sanadkii 2008 ilaa 26-kii Abriil ee sanadkii 2013.

Aadan Ducaale ayaa ku khasbanaan doona in uu iska casilo kursiga xildhibaannimada ee uu ku matalo degmada Garissa Township. Waa qodob dastuuri ah in mas’uulka wasiir noqda uu banneeyo kursiga baarlamaanka.

Golaha cusub ee wasiirrada ayaa sugaya ansixinta Baarlamaanka.

Awoodda iyo hoggaanka wasaaradda Difaaca

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya waxa ay maamushaa militeriga ama Ciidanka Difaaca Qaranka, waxaana mas’uulka ugu sarreeya ka ah Madaxweynaha.

William Ruto, oo hadda ah madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale haya xilka taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya.

Mas’uulka labaad ee ugu sarreeya waa wasiirka gaashaandhigga, oo shalay loo magacaabay Aadan Barre Ducaale.

Waa mid ka mid ah wasaaradaha ugu awoodda badan golaha wasiirrada Kenya, waxa ayna ku jirtaa wasaaradaha loo qoondeeyo dhaqaalaha ugu badan ee miisaaniyadda sannadlaha ah ee qaranka.

Sanadkan 2022-ka waxay wasaaraddan miisaaniyadda qaranka ka heshay lacag dhan 1,186,080,000 oo doollar (waa lacag ka badan hal bilyan iyo boqol iyo siddeetan milyan oo doollar), sida ay xogta sanadlaha ah ku xustay Majalladda Global Fire Power, oo wax ka qorta arrimaha gaashaandhigga caalamka.

Tirada militeriga Kenya ee wasaaraddan ay maamusho waa 29,000 oo askari oo si joogto ah u howlgala. Tiradaas waa 0.1% oo ka mid ah shacabka Kenya oo ka badan 54.6 milyan oo qof, sida ay xustay Majalladda.

Liiska dalalka ugu awoodda badan caalamka oo ka kooban 142 waddan, Kenya waxay uga jirtaa kaalinta 81-aad. Kenya waxay kaalinta 12-aad uga jirtaa liiska kala horreynta awoodaha ee dalalka Afrika.

Ciidanka Kenya ee hoostaga wasaaraddan ayaa qeyb ka ah militeriga ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaasoo dhaqaalahooda uu toos u soo maro ururka Midowga Afrika.

Markii ugu horreysay ee ay Ciidanka Kenya gudaha u galeen Soomaaliya, oo ku beegneyd sanadkii 2011-kii, waxaa xilka wasiirka Gaashaandhigga hayay Maxamed Yuusuf Xaaji.

Waa kuma Aadan Barre?

Waxa uu dhashay sanadkii 1969-kii. Dugsida hoose dhexe iyo kan sareba waxa uu kaga baxay magaalada Gaarisa. Sanadkii 1992 ayuu heerka koobaad ee Jaamacadda uga baxay Jaamacadda Moi isagoo bartay kuliyadda waxbarashada, halka sanadkii 2011 uu heerka labaad ee Jaamacadda uga baxay Kuliyadda Beeraha iyo Teknoolajiyada ee Jaamacadda Jomo Kenyatta.

Ducaale waxaa loo doortay xildhibaan baarlamaan sanadkii 2007 si uu u matalo dadka deegaanka Dujis. Wuu u tartamay oo ku guulaystay isagoo matalaya xisbiga ODM.

Bishii Abriil ee sanadkii 2008, waxa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka xannaanada xoolaha.

Waxa uu sidoo kale soo noqday Guddoomiye ku-xigeenka xsibiga ODM ee Arrimaha Siyaasadda ilaa sanadkii 2011.

Kaddib markii sanadkii 2011 ay siyaasad ahaan isku fahmi waayeen xsibiga ODM ayuu la xirtay William Ruto waxa ayna aasaaseen xisbiga URP.

Waxay ku biireen xisbigii TNA ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, taas oo horseedday inay ku guuleystaan doorashadii guud ee sanadkii 2010.

Galaangalkiisii siyaasadeed iyo hamigiisii ahaa inuu jago sare qabto ayaa markaas u suurtagashay, waxaana loo magacaabay Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ee xisbiga talada hayay ee Jubilee.

Xigasho: BBC

Category