Xisbiga Kulmiye muxuu ka yiri go’aanka maxkamadda sare ee Somaliland ay ku furtay ururrada siyaasadda?

Hargeysa (RH)-Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay arrinta furista ururrada siyaasadda ee Somaliland.

Maxkamaddu waxaa ay sheegtay in dacwadda la xiriirta furista ururrada ay laba toddobaad ka hor u soo gudbiyeen xubno tiradoodu gaarayso 24 oo siyaasiyiin ah.

Xubanaha dacwadda gudbiyey oo go'aanka maxkamadda soo dhaweeyey ayaa ku tilmaamay mid meel mariyey sarreynta sharciga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, ayaa BBC-da uga warramay mowqifkooda ku aaddan go’aanka ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland.

Xiggasho: BBC

Category