"XUDUUDKA NAGA FURA" wasiirada arimaha dibada Sweden oo Denmark timid

RH: Wasiirada arimaha dibada ee dalka Sweden Ann Linde ayaa Denmark soo booqadtey iyada oo fariinta kaliye ee ay sidaa tahay in ay Denmark furto  xuduudka ay la wadaagto wadanka Sweden.

waxa ay sheegtay in ay dadka swedishku aad uga xumaadeen in ay Denmark xudeedkeeda ka xidhatay iyada oo aaney Sweden marnaba xidhin xuduudka ay la wadaagto Denmark dadka Denishkuna ay tagi karaan sweden markasta.

arinkan xidhitaanka xuduudka oo bilaabmey 11.maarso ayaa  sabab looga dhigey si looga hortago faafida xanuunka Covid-19 maadaama oo ay dabacsaneyd heerka taxadirka ee xanuunka oo aan dalka la wada xidhin, dhimashaduna ay aad u badneyd marka loo eego Denmark.

 

Covid-19. HEERKA DHIMASHADA EE LABAD DAL AYAA SIDAN KALA AH.

 

Sweden  4.125  qod ayaa u geeryoodey  

Danmark 563 ayaa ilaa hada u geeryoodey 

 

Category