Xukuumadda Somaliland Oo  Amar Culus ka soo saartay Oodashada Dhul-daaqsimeedka

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa amar dul-dhigtay Dad shacab ah oo ood ku sameeyey dhul-daaqsimeed ku yaalla soohdinta ay iska-gaadhaan degmooyinka Laasgeel iyo Daarasalaam oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, halkaas oo uu ka dhacay khilaaf ka dhashay seere-ooddeedka laga sameeyey oo la burburiyey.

Deegaankan oo la yidhaahdo Dhamal, ayaa bulshada ku dhaqani qaylo-dhaan ka muujiyeen oodda laga sameeyey, waxaana iyadoo laga duulayo cabashada dadweynaha iyo ahmiyada xukuumaddu siinayso ilaalinta dhulka xoollo daaqeenka ah, ay wasaaradda horumarinta deegaanka iyo reer guuraaga iyo Maamulka Gobolka Maroodi-jeex ay daboolka ka qaadeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay dhulkaasi beer ooddeed ka samayso.

Sidaasina waxa ku dhawaaqay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Deegaanka iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex  oo  howlgal ka fuliyey deegaanka Dhamal, kaas oo ay ku wehelinyaan masuuliyiinta labada degmo ee Daarasalaam iyo Laas-geel iyo Odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed oo warbaahinta Qaranka la hadlay intii howl-galku socday ayaa sheegay in ay Dawladdu deegaankan u aqoonsan tahay dhul xoollo daaqeen ah oo ka mamnuuca beer iyo Ood-ba, waxaanu intaasi raaciyey in ay ahmiyada siinayaan ilaalinta iyo bad qabka dhulka ay nololsha duunyadu ku tiirsan tahay.

Waxaanu yidhi “Deegaanka Dhamal waa deegaan balaadhan oo ay labada degmo ee Daarasalaam iyo degmada Laasgeel bariga iyo galbeedka ka soo galaan, Dawladdu waxay u aqoonsan tahay Dhul-daaqsimeed, haddii aanu nahay maamulkii Gobolka iyo laamihii kale ee dawladda ee nala shaqaynayey waxa xil naga saaran yahay in aanu ilaalino in aan xoollaha dhulka laga oodin iyo in aan dadweynuhu iskaga hor iman oo halkaa isku dhac ka iman, dhulku haddii la ooddo wuu inagu yaraanayaa.”

Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) Agaasimaha guud ee Wasaaradda reer guuraaga iyo horumarinta Deegaanka ayaa isna goobtaasi amar ku siiyey saraakiisha heer Gobol ee Wasaaraddiisa, kuwaasoo uu faray in iyagoo fulinaya waajibaadka Wasaaradda ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo ood sharci darro ah ku samaysay dhul-daaqsimeed.

Agaasime Naakhuude waxa uu ku nuuxnuuxsaday in sharciga lagula xisaabtami doono Dadka lagu qabto arrintaasi, isla markaana go’aankaasi uu yahay mid ku taxaluqa fulinta barmaamuj-siyaasaddeedkii xisbiga iyo shuruucda dastuuriga ah ee dalka.

“laba sanno ka hor haddii aynu dib ugu noqono madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee iminka inaga hogaaminaya Olollihiisii waxa kamid ahaa in uu sharcigu sareeyo, markii uu madaxweynaha noqdayna amarbuu nagu siiyey in sharcigu shaqeeyo.” ayuu yidhi.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Agaasimaha guud beyaamiyey in Dadka oodda ku sameeyey deegaanka Dhamal iyo meelaha kale ee dalkuba ay waajihi doonaan ciqaabta ku haboon. Waxaanu yidhi “halkan waxaanu kula xisaabtamaynaa cidii ooddatay, Ganaax culus baa dhacaya, xadhig baa ka dambeyn doonna. waxaanu diwaan gelinaynaa meel kasta oo ay ooddi taallo, cidii ooddatay ayaanu la xisaabtamaynaa. annagu reer ku duuli mayno, koox raadsan mayno, qofka dhulka oodtay ayuunbaanu raadsanaynaa, hadday laba yihiin labadaas qof ayeynu raadsanaynaa oo meel baas iskala soo dhacaynaa. haddaba intaynaan meel baas isla tegin dadku waa in ay gacantooda ku baabiiyaan dhulkii ay oodteen”.

Guddoomiyeyaasha labada iyo xubno kamida Odayaasha degmooyinka deegaankani xadkooda ku yaallo, ayaa dhankooda si niayd-samaani ku dheehan tahay u soo dhaweeyey amarka masuuliyiinta xukuumadda, iyagoo dhinaca kale balanqaaday in ay kala shaqaynayaan hay’addaha dawladda fulinta qaraarkaasi.

 

 

Category