Xildhibaan Soomaali/ Danish ah ayaa wajahaya eedaymo culus iyo cadaadis.

RH: Warbixin ka timid: Nordjyske iyo B.T., oo dib u eegis lagu sameeyey 4-ta iyo 7-da Abriil 2025

Tarjumaada: Mohamed-Amiin ' Radio Hormuud

Aalborg, Denmark –  Nuuradiin Hussein, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Socialdemokratiet kana tirsan Golaha degaanka ee Magaalada Aalborg, ayaa wajahaya eedeyn culus.

Saddex sano iyo bar ka hor, wiil uu dhalay Nuuradiin Hussein ayaa lagu xukumay dambiga dil iyo dhaawac ah oo uu ka geystay boosteejada basaska ee magaalada Aalborg. Wiilkaas iyo laba kale ayaa lagu helay dambiga ah inay garaaceen, tufeen, isla markaana burburiyeen alaabtii wiil ay weerareen. Maxkamadda degmada ayaa ku xukuntay xabsi shuruudaysan 50 maalmood ah iyo magdhow dhan 4500 DKK.

Balse halkii laga filayay in Nuuradiin Hussein uu qaato masuuliyadda dhacdadaas, ayuu si cad u diiday xukunka, isagoo racfaan u qaaday maxkamadda sare. Inkastoo Maxkamadda Sare ay caddaysay xukunka maxkamadda hoose bishii May 2022, hadana Nuuradiin Hussein weli ma muujin raalli gelin rasmi ah.

Arrimaha ayaa haddana cirka isku shareeray kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay warar aan sal lahayn oo sheegaya in Maja Torp, oo xildhibaanad ka ah xisbiga Venstre ee isla magaalada Aalborg, ay ka dambeysay shirqool lagu waxyeelleynayo sumcadiisa. Nuuradiin ayaa la sheegay inuu xitaa keenay maxkamadda dhexdeeda USB-stick ay ku jirto cod lagu magacaabay Maja Torp. Laakiin maxkamaddu wax qiime ah uma aysan yeelin caddayntaasi.

Hooyada dhalay wiilka la weeraray ayaa si kulul u cambaareysay dhaqanka Nuuradiin Hussein, iyadoo ku tilmaamtay mid aan mas'uuliyad lahayn, kana fog qiyamka sharafka leh ee laga rabo masuuliyiinta dadweynaha. Waxay ku boorisay inuu xilka iska casilo haddii uu damiir leeyahay.

Maja Torp, oo iyaduna muddo aamusneyd, ayaa hadda go'aansatay inay u gudbiso arrinta booliska si loo baaro sida uu Nuuradiin Hussein ku helay codka sirta ah iyo cidda ka dambaysay abaabulka.

Xusuusin:
Nuuradiin Hussein oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa yimid Denmark 25 sano ka hor. Wuxuu hore ugu faanay guulihiisa shaqsiyadeed ee dalka Denmark, isagoo si maldahan u duray xisbiga Dansk Folkeparti.

Si kastaba, su’aasha taagan ayaa ah:
Ma ku filan tahay guusha shaqsiyadeed in lagu tilmaamo inuu qof si dhab ah ugu dhex milmay bulshada cusub? Mise waa in sidoo kale laga rabo inuu la yimaado akhlaaq iyo masuuliyad bulsho?

Isha Warka: Nordjyske (4 & 7 Abriil 2025), B.T., TV2 Nord

 

Category