Ceelkii Ugu Horreeyay Ee Shidaal Oo Somaliland Laga Qodayo

Hargeysa(RH):-Dedaal muddo soo socday oo ay Xukuumaddu wadday isla maraana ay ka shaqaynaysay Shirkada sahaminta shidaalka ee Genel Energy,ayaa hadda u dhaw midho dhal iyo in sannadka dambe ee soo socda laga so saaro Somaliland isla markaana laga qodo ceel shidaalkii ugu horreeyay.

Saraakiil khubaro ah oo ka socota shirkadda Genel Energy  Somaliland oo kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta  ayaa la wadaagay qorsheyaasha hawleed ee ay shirkaddu diyaarisay ee la xidhiidha qodaalka shidaalka.

Qorshayaasha waxqabad ee ay shirkaddu soo bandhigtay ee ka horreeya qodista ceel shidaalkii koowaad ee taariikhda laga qodo dalka ayey qeyb ka ahaayeen xaga fayo-qabka, caafimaadka iyo dhawridda deegaanka, dhinaca hab-raacyada sharci ee ku waajahan adeegyada, iibka iyo qandaraasyada.

Kulanka labada dhinac ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay qorshayaasha la xidhiidha arimaha ammaanka, wacyigelinta iyo kaabayaasha sahlaya qodista ceelka.

Wada xaajoodka Wasaaradda  Macdanta iyo Tamarta  iyo shirkadda Genel Energy oo qaatay muddo laba maalmood ah, ayaa qeyb ka ah kulamo iyo bandhigyo is dabajoog ah oo labada dhinac ugu diyaargaroobayeen sidii hannaanka ugu wanaagsan ee dhinaca farsamo iyo dhinacyada shuruuc loogu diyaarin lahaa qoditaanka ceelkii shidaalka ugu horeeyey ee ka hirgala dalka Jamhuuriyadda Somaliland muddo.

32 sannadood ka dib markii ay madaxbanaanideeda kala soo noqotay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.

Dhinaca kale bulshada iyo xukuumada Somaliland oo si weyn u xiisaynayey inay arkaan soo saarista kheyraadka dalka ayaa looga baahan yahay inay dhinac uga soo wada jeestaan illaalinta nabadgelyada dalkooda, maadaama bilowga hawlaha shidaalku leeyahiin cadow badan oo gudo iyo dibed-ba isku daya inay caqabad ku noqdaan sidii dhinacyada ku hawlan qoditaanka ay si habsami ah ugu bilaabi lahaayeen shaqadooda.

 

 

Category