Denmark: Sharci cusub oo dhaqan gallidoona laga bilaabo 01.01.2025 ka

Laga bilaabo  1-da Janaayo, waxaa dhaqan gali doona sharciyo cusub oo saameyn ku yeelan kara muwaadiniin badan oo kunool  Denmark. Shuruucda ugu hadal-heynta badan waxaa kamid ah waajib cusub oo ah in dadka qaata Lacagta caydha ay shaqeeyaan 37 saacadood todobaadkii.

Waajibka Shaqo ee 37-Saacadood
Yaa saameynaya?

  • Dadka qaata kaalmada loo yaqaano caydha ee aan qabin caqabado caafimaad ama bulsho oo waaweyn.
  • Ujeedka waa in la xoojiyo xidhiidhkooda  ay la leeyihiin suuqa shaqada laguna dhiiri galliyo in ay shaqeystaan oo ay fadhiga ka kacaan.

Muxuu waajibinayaa sharciga cusubi?

  • Dadka qaata lacagta caydha waa inay diyaar u noqdaan inay qabtaan shaqooyin u dhigma waqti buuxa oo ah 37 saacadood usbuucii.
  • Shaqooyinkaasi waxay noqon karaan kuwo mushahar la siiyo oo loo yaqaan “løntilskudsjob,” tababarro ama hawlo kale oo ay oo ay u diridoonaan maamulada degmooyinku.
  •  

Shuriga cusub ee  Hooyada iyo Aabbaha
Qaybinta usbuucyada fasaxa dhalmada:

  • Hooyo kasta iyo aabbo kasta waxaa loo qoondeeyey 11 usbuuc oo fasax ah oo aan la is-dhaafsan karin.
  • Usbuucyada kale ee fasaxa dhalmada waxaa loo qaybin karaa sida qoyska u urabo.

Ujeedka:

  • In lagu hormariyo sinnaanta jinsiga ee suuqa shaqada.
  • In labada waalid ay si siman uga qayb qaataan korinta iyo tarbiyadda ilmaha.

Radio Hormuud ayaa idiin soo tabiya had iyo jeer wararka Soomaalida Denmark iyo waxyaabaha sameynta kuleh.

Mohamed-Amiin Siyad

Category