Golaha Guurtida Somaliland Oo Ku Baaqay In La Hawlgeliyo Wershad Soddon Sanno Xidhan

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xukuumadda iyo ganacsatada dalka u soo jeediyey in la kiciyo wershada Sibidhka ee Berbera taasi oo xidhan muddo soddon sanno ah.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Maalgelinta Warshada Sibidhka ee Berbera ay qaranka muhiim u tahay in deg-deg loo  howl-galiyo.

Mudanayaasha aqalka Odayaasha ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay si deg-deg ah u maalgashadaan wershada ama ay xukuumaddu ku wareejiso shirkaddo shisheeyey oo maalgelin ku sameeya si loo hawlgeliyo.

dhinaca kale mudanayaasha golaha guurtida ayaa codsaday in loo yeedho wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo qaranka ugu masuul isha dhaqaale ee dalka ugu weyn .

 

Category