Komishanka Tamarta Jsl Oo Sheegay inay Diyaariyeen Nidaam Damaanad Qaadaya Tamar La Awoodi Karo

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Somaliland Eng. Axmed Faarax Cadare ayaa sheegay inay diyaariyeen nidaam damaanad qaadaya tamar la awoodi karo, badbaado leh oo la isku  hallayn karo  Somaliland.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Komishanka Tamarta oo lagaga hadlay kaalinta ay ka qaateen shirweynihii  Dhaqaalaha oo ujeedadiisu ahayd Xalinta dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka, ayaa lagu sheegay in daneeyeyaashu ka doodeen xal-u-helidda caqabadaha dhaqaale.

Wasaaradaha iyo Hay”adaha kala duwan ee dawladda ayaa madashii shirka ku soo bandhigay caqabadaha iyo fursadaha koboca dhaqaale ee dalka.

Waxaana shirkaasi ka soo baxay  natiijooyin ah  in tamartu fure u tahay dhammaan koboca dhaqaale.

Komishanka Tamarta Somaliland ayaa sheegay inay diyaariyeen xeerka Guddida Nidaaminta Tamarta Somaliland oo fududeysay gudbinta, iyo qaybinta dalka si loo hubiyo in si caddaalad ah loo wada siman yahay si loo helo tamar la awoodi karo, badbaado leh oo la isku halayn karo  guud ahaan Somaliland.

Madashii shirweynaha ayaa lagu falanqeeyey todobadan mawduuc ee soo socda: Haqab-beelka cuntada iyo deegaanka; Maalgelinta Tooska ah ee Shisheeye iyo Wax-soo-saarka; Ganacsiga iyo Gaadiidka; Adeegyada Maaliyadda; Tamarta iyo Macdanta; Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha; Qorshaynta Gargaarka Dibadda iyo Iskuduwidda.

 

 

Category