Laba Boqol Oo Qof Oo Shilal Gaadiid Ku Dhintay Somaliland Sannadkii Tegay Ee 2020-ka

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta  Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo hortagay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa Sheegay in Sannadkii tagay ee 2020-ka ay shilalka gadiidka ku dhinteen 200  oo Qof gudaha somaliland .

df

“Sannadkii shilalka Gaadiidka waxaa inagaga dhinta qiyaas ahaan 160 ilaa 200 oo qof, waxaanu aaminsan nahay ka xukuumad ahaan in shilalku yihiin dilaa qarsoon.Celcelis ahaan labadii maalmood ba waxaa inagaga dhinta shilalka hal qof.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta  Jidadka Somaliland

 

Category