Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ka Qayblay Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha Jabuuti.

Jabuuti(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu caleemo saarayey madaxweynaha dalka Jabbuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay dhawaan shacabkiisu mar kale dib u doorteen.

aw

Sidoo kale Xaflada caleemo saarka  madaxweynaha dalka Jabbuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu soo marti qaaday madaxweyneyaal, Ra’isal wasaareyaal iyo madax kala duwan ee caalamka ka kala socotay, kuwaas oo qasdigoodu ahaa ka qaybgalka dhaarinta madaxweynaha Jabbuuti.

wdrf

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibadda laga siiyey hab-maamuus madaxtinimo oo la meeqaam ah madaxda dhiggiisa ah ee goobta ku sugnayd, isaga oo fadhiistay kuraasta safka koowaad ee ay fadhiyeen madaxweyneyaasha Kiiniya, Jabbuuti, Gini konaakori, ku-xigeenka madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Diblomaasiyiin iyo madax kale oo ka kala socotay waddamo kala duwan oo caalamka ah.

df

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna af-hayeenka xukuumadda Somaliland,  Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta la hadlay, ayaa dawladda Jabbuuti iyo shacabkoodaba uga mahadceliyey hannaanka walaaltinnimada derisnimada leh ee ay u qaabileen madaxweynaha qaranka Somaliland iyo hab-maamuuska milgaha leh ee ay u sameeyey weftiga madaxweynaha Somaliland

sd

 

dfudae21dwqwut

 

Category