Madaxweynaha Somaliland Oo Fariin U Direy Dawladda Maraykanka

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Dawladda Maraykanka wuxuu ku booriyey in ay Somaliland toos ula macaamilaan, maadaama oo ay tahay dal madaxbannaan oo dimuqraadiyad taabogal ahi ka hirgashay.

Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, wuxuu sidaas ku sheegay Warqad qoraal ah oo  uu  u diray Dawladda Maraykanka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud ee Magaalada Hargeysa.

 Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi wuxuu si qotodheer uga warramay marxaladihii Somaliland ay soo martay ee ay ku gaadhay dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiintii ka hirgashay Jamhuuriyadda Somaliland ee aanu caalamku waxba ku darsan.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku guubaabiyey Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, inuu la yimaado siyaasad wax ku ool ah oo ka duwan tii hore ee Maraykanku soo dhaqmayey isla markaana aanu dhayalsan inuu mudnaanta siiyo Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal muhiim u ah Maraykanka iyo xasilinta Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu faahfaahin dheer ka bixiyey dimuqraadiyadda iyo dawladnimada ka jirta Somaliland waxaanu tilmaamay in toddoba doorasho oo xor iyo xalaal ah oo ay qireen goobjoogeyaashii caalamiga ahaa ay ka qabsoomeen Somaliland, isla markaana dhulka Somaliland uu yahay mid  ka caagan budhcad baddeeda iyo argagixisada.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay in sida Maraykanku u danaynayo gobolka Geeska Afrika ay caddaynayso  sida Madaxweyne Joe Biden uu  laba ergay ugu soo magacaabay, hase ahaatee wuxuu ku dooday in si wax looga qabto caqabadihii jiray loo baahan in la abuuro bahwadaag lagu kalsoonaan karo.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu  intaas ku daray in Somaliland ay maalgelin u samaysay dekedda Berbera, si loo gaadho horumar dhaqaale oo dan u ah cid kasta.

Qoraalka Madaxweynuhu u diray Madaxweynaha Maraykanka wuxuu ugu  soo jeediyey  in aanu iska indhotirin awooda Somaliland ay ka ciyaari karto Gobolka iyo Adduunkaba, waxaanu ku booriyey in Maraykanku uu xidhiidh toos ah iyo iskaashi la yeesho Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay  xidhiidhka  Maraykanku uu muddo tobanaan sanno ah cilaaqaad la lahaa dalka Taiwan oo uu ku tilmaamay  waddan dimuqraadi ah oo muhiim u ah xulufada Maraykanka.

Waxaanu tilmaamay in iskaashiga tooska ah ee Maraykanku la yeesho Somaliland ay wax ka tari doonto xakamaynta COVID 19ka, ladagaalanka Ayaxa iyo dhibaatooyinka kale ee xiligan ka jira dalka.

 

Category