Magaalada Hargeysa Oo laga Dareemayo  Loolan Adag Oo loogu jiro Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Hargeysa(RH):-Caasimadda Somaliland ee Hargeysa  waxaa todobaadadii u dambeeyey aad looga dareemayaa Olole balaadhan oo ay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ugu jiraan  hanashada Shir-guddoonka Golaha cusub ee Wakiillada.

Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo haysta aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiilada, ayaa doonaya inay gacanta ku dhigaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxayna Xooggooda iskugu geynayaan sidii Guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad u noqon lahaayeen kuwo ka soo baxay Xisbiyadooda oo Mucaarad ah.

Balse Xisbiga KULMIYE oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa ka wada dedaallo uu ku doonayo inuu helo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isagoo u calaamadiyey in uu noqdo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ku soo baxay doorashadii dhawaan dalka ka dhacday kana soo baxay Xisbul Xaakimka Kulmiye.

Labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID, ayaa haysta 52 Xidlhibaan oo ka mid ah Golaha Wakiillada oo ka kooban 82, taasi oo ka dhigan in Kulmiye uu doorashada ka helay 30 Xildhibaan oo keliya, taasi oo aan u suurto-gelin karin inuu ku hamiyo inuu helo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Xisbiga KULMIYE ayaa Adeegsanaya Xeelado kala duwan, si uu Xildhibaannada Mucaaradka u soo baxay qaarkood ugu qanciyo inay Codkooda siiyaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo uu u sharraxan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Halka labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID,  oo  isbahaystey ay doonaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Xisbiga WADDANI uga soo baxay Gobolka Sool.

 

 

Category