Muqdisho: Xukunno dil toogasho ah oo lagu riday taliyayaal ciidan

Muqdisho (RH)-Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida ayaa dil toogasho ku xukuntay Cabdifitaax Qoslaaye oo ahaa Taliyihii saldhigga Booliska Huriwaa iyo Maxamed Cabdi Qoone oo ahaa Dable ciidanka Booliska oo gacanyare u ahaa Taliyaha, kuwaasoo lagu helay dambiga dilkii arxan darada ahaa ee ay u geysteen Marxuum Ganacsade Abuukat Kaabax oo la dilay 24 bishii Febraayo 2024.

Kiiskan ayaa ka mid ahaa kiisaskii ugu weynaa ee Maxkamadda u qaaday si furran, iyadoo Maxkamadda la keenay caddeymo sida dhaq dhaqaaqa CCTV habeenkii fal dambiyeedka afduubka ay geysanayeen iyo cadeeymo kale oo farriin qoraaleed iyo marqaatiyaal.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa 15 sano oo ku xukunta Liibaan Maxamed Cumar oo ahaa abaabulalaga kiiskan isagoo maqane ah. Waxaa kaloo min 10 sano lagu xukumay Maxamed Cadaawe iyo Yaasiin Cabdi Jaamac oo aan ahaa maleeshiyaad aan ciidan ka diiwaan gishneyn, balse fal dambiyeedka qeyb ka ahaa.

Xasan Maxamed Saciid (Dhiin-Dhiin) oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda lagu dhacayay Ganacsade isna lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.

Category