Olole Kor Loogu Qaadayo Bilicda Magaalooyinka Hargeysa Iyo Burco Oo Maanta la Fuliyey

Hargeysa(RH):-kumanaan qof oo isugu jira masuuliyiinta dawladda hoose , dawladda dhexe, Xisbiyada iyo shacabweynaha magaalada Hargeysa ayaa saaka u dareeray olale lagu nadiifinaayo dooxa weyn ee Magaalada.

 

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo horkacaayey olalaha ayaa sheegay in talaabo adag lagu qaadi dooni cidi isku dayda in ay wasakhayso dooxa iyo guud ahaan Magaalada .

” Reer Hargeysow dhaqankiina wax ka badala, ka maanta aaminsan in dooxa qashinka laga nadiifiyay inuu caawa Bulaacad ka dhigan karo oo qashinka keenayo waa balan inaan talaabo ka qaadi doono , galinka dambena waa lasii wadayaa shaqada “.

Culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay in ay muhiim tahay nadaafaduu loona baahan yahay in lagu baraarugo si loo helo caasimad qurux badan oo la jaanqadi karta dhigeeda bariga Afrika

Olalaha oo ahaa mid iska wax u qabso ah ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey ee lagu nadifinaayo dooxa weyn ee magaalada Hargeysa

 

Geesta kale  Magaalada Burco waxa ka bilaabmay saaka olole iskaa wax u qabso ah oo lagu qurxinayo goobaha muhiimka ah ee magaalada.

dhallinyarada hal abuurka farshaxanka leh ayaa quruxinaaya goobaha muhiimka u ah magaalada kuwaasi oo garab ka helayaa dawladda hoose ee degmada.

doorashooyinkii dhawaanka ka dhacay dalka ayaa muuqda kuwa dib usoo noolaynayaa rajadda magaalooyinka iyo degmooyinka dalka oo ay shacabku ka cabanayeen wax qabad la’aan maayiradii hore ah

 

Category