Roob Dad Iyo Duunyo-ba  lagu Diirsaday Oo ka Hoorey Hargeysa Iyo Nawaaxigeeda

Hargeysa(RH):-Roobab  dad iyo duunyo-ba  lagu qabowsaday ayaa maanta galinkii dambe ka hoorey Caasimada Somaliland ee hargeysa iyo nawaaxigeeda .

Roobkani oo muddo kooban da’ayay ayaa bulshaweynta magaalada Hargeysi ay aad ugu diirsaddeen.

Maalmihii u danbeeyay waxaa jiray kuleyl, iyo biyo yaraan ka jiray qaar ka mida xaafaddaha magaalada Hargeysa.iyo deegaano kala duwan oo ka mid ah gobolada Somaliland.

Waana maalintii koowaad ee Roobka Gu’gu uu ka da’ay magaalada Hargeysa iyo xawaaxigeeda.

Saaka uunbay ahayd markii loo dareeray Salaad Roob-doon, ah, oo dadku Eebe kaga baryayeen in uu raxmaadkiisa u shubo

 

Category