Shir-guddoonka Cusub Ee Golaha Wakiillada Oo Xilkii La Wareegay

Hargeysa(RH):-Shir guddoonkii hore ee golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay shir guddoonka cusub ee dhawaan loo doortay golahaasi.

Munaasibaddan ay xilka kula kala wareegayeen shirguddoonkii hore ee golaha wakiillada iyo shirguddoonka cusub ayaa waxa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha iyo laamaha kala duwan ee dawladda, guddoomiyayaasha xisbiyada qaranka, urarrada aan dawliga ahayn, iyo marti sharaf kale. Ugu horreyn waxa munaasibadda hadal ka jeediyay guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye ku xigeenkiisii mudane Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaana ay ugu baaqeen shirguddoonka cusub inay u diyaar garoobaan hawsha culus ay qabteen oo isku taxaluujiyaan sidii golaha ay iskugu wadi lahaayeen isla markaana ay uga shaqayn lahaayeen danta guud ee qaranka.

shirguddoonka xilka bannaynaya waxay intaas ku dareen in golaha cusub ay ansixiyaan sharciyo ay sheegeen inuu ka tegay golihii hore, kuwaasoo ay tilmaameen inuu ahmiyad weyn u leeyahay qaranka, iyagoo ku booriyay shirguddoonka cusub iyo golahaba inay halkaasi ay kasii ambaqaadaan sharciga caasimadda iyo ka saxaafadda Somaliland oo qabyo ah.

Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga muxaafidka ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, kuwaasoo Iyana sagootiyay golihii hore ee wakiillada, iyagoo kula dardaarmay shirguddoonka cusub iyo golahaba inay ka shaqeeyaan midnimada golaha iyo sidii ay u sii ambaqaadi lahaayeen sharciyadii uu ka tegay golihi iyaga ka horreeyay.

Guddoomiyayaashu waxay intaas ku dareen inay u duceynayaan in ilaahay ku asturo waajibaadka hor yaalla.

Wasiirrada wasaaradaha maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku booriyay shirguddoonka iyo xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland in shaqadooda ah ilaalinta nabadda iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, ansixinta xeerarka iyo sharciga umadda iyo korjoogtaynta hay’adaha dawladda ay kasoo baxaan isla markaana ay u gutaan sida uu dastuurku tilmaamay.

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo xidhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe ayaa iyaguna dhankooda sheegay in golaha ay kala shaqayn doonaan waxyaabaha ay uga baahdaan isla markaana ay siin doonaan wixii talo iyo tusaale ah ee ay dheeryihiin, iyagoo dhanka kale ugu baaqay in xildhibaannada cusub ay ku shaqeeyaan golinimo iyo wixii u dan ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Gebo gebadii, guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guuleed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in 82-ka xildhibaan ee golaha wakiillada uu oday u yahay oo uu isku wadi doono, isla markaana ay wada shaqayn buuxda yeelan doonaan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddomiyaha cusub ee golaha wakiilladu waxa uu intaas raaciyay inuu ka war hayn doono duruufaha iyo xaaladda ku gadaaman xildhibaannada golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland. Dhanka kale, guddoomiyuhu waxa uu sheegay in fadhigoodii labaad uu goluhu yeelan doono maalinta berry oo ay sidaas ku guda geli doonaan hawlaha shaqo ee u yaalla golaha cusub ee wakiillada Jamhuuriyadda Somalialnd.

 

Category