Shir Mudo Sadex Cisho Ah U Socday Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida  Oo laga Soo-saarey War-murtiyeed

Tog-Wajaale(RH):-Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey Kulan qaatay muddo Saddex cisho ah oo u socday  Somaliland iyo dowlad deegaanka Somalida itoobiya.

Shirkan ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa laga soo-saarey War-murtiyeed ka kooban 8 qodob oo Ujeeddadoodu ahayd sidii la isaga kaashan lahaa waxna looga qaban lahaa dhinacyadda kala ah:-

1. Sixir bararka ka jira Degmada Tog-wajaale oo saameeyay dhaqaalaha labada dhinac.

2. Qiima dhaca ku yimid lacagta Birr-ta ah ee Ethiopia oo saamayn ku yeeshay Ganacsiga Degmada Tog-wajaale.

3. Lacagaha sharci darrada ah ee ka gudba xuduudaha labada dal.

4. In la nidaamiyo suuqyada Lacagaha iyo Maaliyadda ee Degmadda Tog-Wajaale

5. In si dhakhso ah wax looga qabto Sicir-bararka uu keenay Sarrif bararka ku yimid lacagta Birr-ta ah.

6. In si buuxda looga wada shaqeeyo xasilinta dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo lacageed ee labada dhinac

7. In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shakhsiyaadka iyo shirkadaha ku lugta leh xasillooni darrada suuqa sarrifka ee Degmada Tog-wajaale.

8. Waxa la abuuray guddi farsamo oo ka shaqayn doonta Degganaanshiyaha, Adkaynta iyo Dabagalka Suuqyada Ganacsiga, Lacagaha iyo Maaliyadda (Trade and Financial Markets)

Category