Shirweynihii 2aad Ee Xisbiga WADDANI Oo Dib Loo Dhigay

Hargeysa(RH):-Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta dib loo dhigay muddo 14 maalmood ah.

guddida qaban qaabada shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI ayaa shaaciyay in muddo 14 maalmood ah dib loo dhigay shirweynaha Xisbigaasi Waddani oo qabsoomi lahaa 30-31 October 2021

fd

Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI ayaa loo mudeeyey inuu qabsoomo 15-16 November 2021.

guddoomiyaha Guddida Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa sheegay in sababaha dib loogu dhigay Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI ay ka mid yihiin wada hadallo u socda Xisbiga iyo tabaaburshaha shirka oo aan wali dhammaystirmin

Category