Somaliland Oo Maanta Si Nabada looga Ciiday

Hargeysa(RH):-Waxaa  maanta si nabada oo xasilooni ku dheehantey looga ciiday gobolada,Degmooyinka iyo guud ahaan deegaanada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Fidriga oo maanta laga oogay guud ahaanba dalka Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan, guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada,xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, saraakiil katirsan xukuumadda, ayaa saaka  kumannaan ka mid ah shacabka caasimadda Hargeysa kula tukaday masaajidka Ibraahim Dheere ee Hargeysa.

Ugu horrayn Sheekh Almis Xaaji Yaxye oo halkaas khudbad kooban ka jeediyey, ayaa shacabka Eebbe uuga baryey inuu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee bisha Ramadaan, isaga oo ugu baaqay inay quluubtooda mideeyaan isuna gargaaraan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Xuseen (Albaani), ayaa isaguna shacabka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal- fidriga, waxana uu bulshada ku boorriyey inay kuwooda tabaalaysan gacan siiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo bulshada reer Somaliland khudbad u jeediyey, ayaa ugu horrayn shacabka ku hambalyeeyey munaasibadda farxadda  maalinta ciidda, waxana uu u rajeeyey inuu Ilaahay u aqbalo ducadii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay sameeyeen bishii Ramadaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka ugu baaqay inay dhulkooda tacab geliyaan, kuna baraarugsanaadaan isbeddellada dunida ka socda, isaga oo xasuusiyey inay yaraatay quutal daruurigii dibadda laga keensan jirey, waxana uu yidhi,“Adduunka oo dhammi wuxuu ka werwerayaa bilaha iyo sannadaha soo socda inuu yaraado quutal daruuri iib ah oo la heli doonaaba, sidaad darteed waxa inagu waajib ah in qof waliba waxa uu hayo inuu xannaaneeyo.”

Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu ugu bogaadiyey cid kasa oo qayb ka qaadatay gurmadkii ballaadhaadhnaa ee laga geystay masiibadii dabka ee suuqa Waaheen, waxana uu sida bulshadu gurmadkaas ugu midowday ku tilmaamay guul weyn iyo astaan gobonnimo oo ay  shacabkani leeyihiin.

 

Category