Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Yeelanaysa Madxaf Qaran

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed oo ay weheliyaan Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa kormeer ku tegay dhismaha Madxafka Qaranka oo waqtigan dhismihiisu gebo gebo ku dhow yahay.

Madxafka Qaranka oo maanta qaybtiisii ugu dambaysay la shubay ayay masuuliyiintani u kuur galeen halka uu maraayo, waxaana ugu horeyn goobta ka hadlay, isla markaana masuuliyiintan warbixin ka siiyey halka uu maraayo dhismaha Madxafku Guddoomiye ku xigeenka shirkadda Kaabsan Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed ,waxaanu tilmaamay in ay xil gaar ah iska saareen dhismaha gurigan oo ah guri ay ummada Somaliland wada lee dahay, waxaanu si gaar ah ugu mahadceliyey Ciidamada Qaranka Somaliland oo dhismaha Madxafkan gacanta ku haya iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland oo ku kormeeraayey dhismaha.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Agaasimaha Guud ee madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile oo ka sheekeeyeen maraaxilkii uu soo maray dhismahan ,iyaga oo tilmaameen in uu maanta dhamaadkii maraayo,waxaanay tilmaameen in Madxafka Qaranku noqon doono dhismaha ugu quruxda badan magaaladda Hargeysa,waxaanay u mahadceliyeen Ciidamada Qaranka Somaliland oo dhismahan iyagu gacanta ku hayey.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda uu Madxafka Qaranku ummada u lee yahay, isaga oo u mahadnaqay madaxweynaha Somaliland oo fikirka iyo taladda Madxafka Qaranka lagu dhisay iska lahaa iyo Ciidamada Qaranka Somaliland oo dhismahan gacanta ku hayey.

Dhismaha Madxafka Qaranka oo waqtigan gebo gebo ku dhow ayaa ka kooban dhisme lix dabaq ah, waxaana lagu kaydin doona taariikhda ummada reer Somaliland.

 

Category