Somaliland: Shaqaale loo Xidhay lunsi Hantiyeed

Burco(RH):-Laba ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Gaar ahaana Waaxda Cashuuraha Beriga ee Burco ayay Xukun ku riday Maxkamada Gobolka Togdheer kadib markii Lagu Helay Lunsi hanti umadadeed oo ku dhaw $10000(toban kun oo dollar),

Xukunka ay maxkamada ku  riday Shaqaalahan ayaa isugu jiray soo celinta lacagtaasi, Ganaax iyo xadhig gaadhaya sadex sano.

Sidoo kale Hanti dhawrka Guud ee Qaranka ayaa Baadhis Cusub ka Bilaabay Dawlada Hoose Ee Magaalada Burco.

Baadhistan oo noqonaysa Tii ugu horeeyay ee noociisa  ah ee ay Fulinayaan Hanti dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland .Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Hanti dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay inay ku jihaysan yihiin dabagal iyo baadhis lagu samaynayo Mashaariicda JPLG ee laga fuliyay magaalada Burco.

 

Category