Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Faalo Qaaday Waxbarashada 100 Arday Oo Danyar Ah

Hargeysa(RH):-Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun  oo ka mid ah Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa kafaalaqaaday 100 arday  oo dan yar ah waxbarashadooda ardaydaasi ayaa iskugu jira Wiilaal Iyo Gabdho-ba

i

Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun  oo ku sugan Xafiiskiisii  Ololaha Doorashaydi Baarlamaanka oo ka samaysnaa aqal soomaali isla markaasina ku yaalay xaafada daami oo u badan bulsho dan yar ah,

dc

Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun  oo ka hadlaya 100 arday  ee uu kafaalaqaaday waxbarashadooda ayaa waxaa uu yidhi.”Waa ii sharaf in aan maanta dib uga billaabay Buulkaygi ahaa Xafiiska Ololaha Doorashaydi Baarlamaanka Ololihii labaad ee aqoonta  ardeyda Hargeysa ee awood dhaqaale u waayey in ay wax bartaan.

i

Ardeydan oo tiradoodu tahay 100 Ardey oo Wiilaal Iyo Gabdho ah, dugsiyada Nuuradiinna aan ka soo diwaan galiyey lacagtooda waxbarashana aanan shirkad iyo shaqsiyaad midnaba uga qaadin Illa inta ay dhammeynayaan dugsiga dhexe iyo sarreba aan dhabarka ugu ridanaayo.

7

Waxa aan ALLE ka baryayaa in uu ka dhigo hormuuddo kaalin gala oo horumar gaadhsiiya dalkooda iyo dadkooda, Insha Allah.”

4t

 

yf

 

Category