Xukuumada Jsl Oo Diiday Mudaharaad Ay Dalbadeen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa diiday ogolaanshaha mudaharaado ay dalbadeen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid kaasi oo ay halku-dhig uga dhigeen Mudaharaadka Badbaadada Soomaaliland

Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa War-saxaafadeed ay soo-saartey waxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Gobollada Somaliland ku Amartey  in Talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay samayso Mudaharaad.

War-saxaafadeedkaasi ka soo baxay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo uu ku Saxeexanyahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jsl Maxamed Kaahin Axmed ayaa u dhignaa Sidan:-

                       WAR-SAXAAFADEED

Wargelin Muhiim ah oo Ka Soo Baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

KU:-  XISBIGA WADANI =HARGEYSA=

KU:- XISBIGA UCID =HARGEYSA=

KU:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL =HARGEYSA=

OG:- DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLADDA & DEGMOOYINKA DALKA  =RUGTOODA=

OG:- WASIIRKU-XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

          EE ARRIMAHA GOBOLLADA & DAWLADAHA HOOSE  =XARUNTA=

OG:- WASIIRKU-XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

          EE ARRIMAHA AMNIGA   =XARUNTA=

OG:- MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOOMAALILAND

UJEEDO:- WAGELIN

 Tixraac warqadda ka soo baxday Labada Gudoomiye Xisbiyada Wadani iyo Ucid ee Tirsigeedu yahay TIX/WADANI/UCID/04/2022 kuna Taariikheysan 28/05/2022, ujeedadeeduna tahay Wargelin banaanbaxyada  ee badbaadada Soomaaliland, warqadan waxaa la soo gaadhsiiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xili ku dhow 1:00 Duhurnimo 28/05/2022 Saddex Xubnood oo ka Tirsan Labada Xisbi ee Wadani iyo Ucid, si wanaagsan ayaan uga gudoomey waxaanan ku wargeliyay in Arrinta Warqadani ay Xambaarsan tahay  ay u baahanahay in aan ka wada hadlano Mas’uuliyiinta Labada Xisbi ee Qoraalka soo qorey.

 Arrimaha ay u cuskadeen Banaanbaxooda sababtu waxa ay tahay

• inkastoo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland Qodobka 32aad farqadiisa 2aad ay Muwaadiniinta u fasaxayso inay sameeyaan isu imaatin Kulan ama Banaanbax si Xeerka Waafaqsan.

b. Qodobka ay u Cuskadeen Mudaharaadkooda  aanay ahayn sababo Xeerka Nabadgelyada Guud Waafaqsan.

t. Waxay sheegeen in Doorashada iyo Komishanka Doorashooyinka  la farageliyey Arrintaasina waxba kama jiraan, Madaxweynaha waxaa u oggolaanaya in uu Komishinka Gudi u saaro Qodobka 15aad Farqadiisa 2aad Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-Bixyayaasha Xeer Lambar 91/2020 .

Arrinta Doorashada iyo Furitaanka Ururada waxaa jideeyay Xeer No.14/202, Golayaasha Xeer Dejintuna ay oggolaadeen, diidmada Xisbiyada Mucaaradka ayaa dib u dhigaaya Doorashada, wakhtina lumineysa.

1. Ujeedada Qoraalkooda waxay ku sheegeen Mudaharaad Badbaadada Soomaaliland wax laga badbaadinayaana Soomaaliland ma jiraan, Soomaaliland waxa ilaalinteeda iyo badbaadinteena ka Mas’uul ah Qaran jira oo leh Golayaal Sharciyeed, Xukuumadeed iyo Garsoor ,  Distoor ayay leedahay  Ciidamada

Qalabka sida ee Qaranka, balse Ereyga badbaadada Soomaliland ee Labada Xisbi Cuskadeen waxaa ka muuqda khal-khal Nabadgelyada lagu wiiqaayo.

2. Ujeedada Qoraalkoodu ma waafaqsana Sharciga sababtoo ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Sharci u leedahay Oggolaanshaha Mudaharaadyada sida uu dhigaayo Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyada Guud, waxay Qoraalkooda ku sheegeen in ay Wasaaradda ku wargelinayaan in ay sugto Amaanka Goobaha iyo Fagaarayaasha ay ka dhici doonaan Banaan baxyada Badbaadada Soomaaliland.

Markaan Arkay:-  Qodobka Distoorka 32aad Farqadiisa 3aad.

Markaan Arkay :-  Xeerka Lambar 51/2012 Qodobada 10aad Farqadiisa 1,2,3aad

                                     iyo Qodobka 12aad Farqadiisa 1, 2aad Qodobka 13aad Farqadiisa

1, 2aad Qodobka 14aad Farqadiisa 1, 2, 3aad Xeerka Ilaalinta

  Nabadgelyada iyo Anshaxa

Markaan Arkay:- in asbaabta ay qoraalka ku soo gudbiyeen oo ah Wargelin Banaan

 -baxyada Nabadgelyada ee Badbaadinta Soomaaliland taas oo aan

  Sharciga waafaqsanayn, Bulshada Reer Soomaalilandna ay ku

   Tilmaameen in ay kala qeybsan yihiin, taas oo ah arrin aan jirin,

Bulshada Soomaalilandna waxaa la ogyahay in ay midaysan yihiin

Meel kastana ay Nabdgelyo ku wada nool yihiin, balse labada Xisbi

ay tahay Siyaasad hore leh oo ay ku kala qaybinayaan Soomaaliland.

Markaan Arkay:-      Diidmada Labad Gudoomiye ee aan ka sugaynay inay yimaadaan

Wasaaradda si looga wada hadlo Arrimahan ay soo codsadeen kuna yimaadaan fariintii aan u dirney, isla Markaana ay go’aansadeen gudina u saareen qabanqaabada  Mudaharaadka .

 Sidoo kale, iyadoo la eegaayo Danta Guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga, waxaan go’aansaday in aanan oggolaanin Mudaharaad, cidii isku dayda Abaabul iyo samayn Mudaharaad aan Sharciga waafaqsanayn haysana warqad oggolaanshiyo ah waxay burburinayaan Nabadgelyada Soomaaliland waxaaney ka soo horjeedaan Sharciga Soomaaliland,  si loo hubiyo loona sugo xaalada Nabadgelyada, waxaa la idin faryaa in Mudaharaad aan sharci ahayn uu yahay Sharci daro, Nabadgelyadana lagu waxyeelaynayo.

Sidaas darteed,  waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Gudoomiyayaasha Gobollada:-

1. in Talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay samayso Mudaharaad aan Sharci ahayn.

2. In ay xoojiyaan Nabadgelyadda Guud ahaan Dalka gaar ahaan Magaalooyinka.

Gudoomiyayaasha Gobollada Dalka, iyagoo kaashanaya Guddiga Nabadgelyada Gobollada, Taliyayaasha Ciidamada Booliiska in ay Talaabo Sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda Mudahaad aan Sharci ahayn oo aan oggolaansho lahayn.

ALLAA MAHAD LEH

MAXAMED KAAHIN AXMED

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL

Category