Xukuumada Jsl Oo Mashruuc Macdan Baadhis ah ka fulinaysa gobolka Saaxil

Berbera(RH):-Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa deegaano hoostaga Gobolka Saaxil si rasmi ah uga bilowday sahan macdaneed.

Sahankan ayaa laga fuliyey deegaanada Bahalallay, laalays, Hudisa iyo Garbo Raareed ee gobolka saaxil,

Mashruucan Sahanka Macdan baadhista ayaa waxa fulinaya aqoonyahanka waaxda Macdanta ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo khubaro ku xeel-dheer aqoonta cilmiga dhulka oo ka socday Shirkadda Khalifa Engineering and Mining Services.

Sahankan lagu baadhayo macdanta ayaa Xukuumada Somaliland qorsheysay inuu socdo muddo shan iyo afartan (45) cisho ah, waxaana Muddada sahanka la wado la baadhi doonaa dhul cabirkiisu yahay boqol iyo laba-iyo-laaban kiilomitir oo laba jibaaran (122 km2) oo guud ahaan laga fulin-doono gobolka Saaxil.

 

Inta Sahanku socdo, waxaa la baadhi doonaa qaabka samaysanka dhulka, macdahanaha loo filayo in laga helo iyadoo la qaadayo muunnado si shaybaadho casri ah loogu soo baadho, sidoo kale waxa la diyaarinayaa warqadda cilmiga dhulka oo si sugan u sharaxi doonta qaab dhismeedka deegaanka kolba la baadho.

Waxaana xusid mudan in ay tahay markii ugu horaysay ee la isticmaali doono qalabka jiyoofisikis-ka (Magnetometer) si wax looga ogaado macdanaha ku jira oogada hoose ee dhulka, Isla-markaana si isku dhafan loo wada tarjumo xogaha laga helay satellite-ka (Remote Sensing Analysis) ee goobaha la danaynayo.

Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Yuusuf Cumar ayaa  faahfaahin ka bixiyey baaxada Mashruucan iyo qorshaha hawlgalkiisa.“sanadkan 2021 waa wajigii koowaad ee mashruuca oo bilow ah. wuxuu daaran yahay kan aynu maanta u joognaa gobolka Saaxil keliya laba goobood oo kamida. qaybta Hudusa oo ah 92KM oo laba jibaaran iyo qaybta geel loo kor oo 30KM oo laba jibaaran ah, howshiisa waxaanu ku bilownay in aanu raadino xogihii hore, markii aanu xogihii helnayna waxaanu uga dhaqaaqnay in aanu khariidadii samayno, turjumaad ku samayno, helno sugnaanshiyihii xogta goobaha”ayuu yidhi Agaasime Cumar.

 

Category