Xukuumadda Somaliland Oo Kordhisay Xarumaha Adeegyada Caafimaadka Gobolka Sanaag

Ceerigaabo(RH):- Xukuumadda Somaliland ayaa kordhisay xarumaha adeegyada caafimaadka ee gobolka Sanaag isla markaana ka hir gelisay Cisbitaallo casri ah oo gobolka ka hawl gala.

 

Dr Xasan Axmed Saalax isku-duwaha caafimaadka gobolka Sanaag,ayaa iftiimiyay tirada xannaanooyinka gobolka ka shaqeeya iyo inta ay ku kordhisay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isku-duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Sanaag Dr Xasan Axmed Saalax ayaa ugu horrayn isagoo ka hadlaya xaaladda  caafimaadka guud ee gobolka Sanaag wuxuu yidhi.“Caafimaadka guud ee gobolku aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay xannaanooyinka imika noo shaqeeyaa waxay dhan yihiin soddon iyo saddex xannaano waxaa kale oo noo shaqeeya sadex Cisbitaal degmo oo  ku kala yaalla Ceel afweyn o Gar-adag iyo Badhan iyo cisbitaal heer gobol ah oo ku yaalla degada Ceerigaabo waxaa kale oo gobolka ka shaqeeya rugo caafimaad inkasta oo aanay aad u badnayn ama aan deegaano badan la gaadhsiin imika waxay dhan yihiin afar rug caafimaad waxaana noo qorshaysan in aanu soo kordhino oo aanu tuulooyinka gobolka oo dhan aanu gaadhsiino.

Waxaa kale   oo jirta kooxo caafimaad oo la yidhaahdo Mobil Taem oo wareega oo mara dhulka iyo tuuliiyinka miyiga  iyo meelaha aan la gaadhi Karin gaadha taga oo ka shaqeeya.

Gobolku waa gobol aad u ballaadhan oo dhullkiisu kala fogyahay oo buularay u badan,waxaa noo jooga imika gaadiidka guradka deg degga ah illaa 15 Ambalaas oo aanu kaga hawl galno gurmadka deg degga ah.

Waxaa kale oo aad noogu adkaa ogsijiinta caafimaadka oo aanu Hargeysa u doonan jirmay laakiin wasaaradda caafimaadku waxay noo keentay mishiinkii Ogsijiinta oo noo shaqaynaya oo aanu kaga maaranay tii aanu Hargeysa haamaha kaga soo qaadanaynay.”

Mar uu ka hadlayay waxqabadka xukuumadda madaxweyne Muuse ka hirgelisay gobolka Sanaag, ayuu yidhi.“Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi mudadii ay talada dalka haysay waxay gobolka ka qabatay wax aad u wayn dhanka caafimaadka markii ay timi Xukuumadda Muuse 12 Xannaano ayaa jiray maantana waxay marayaan 33, waxaa kale oo noo qorshaysan in aanu imika hirgelino 18 xannaano oo kale oo cusub.markaa fidin aad u fara badan ayaa lagu sameeyey xarumaha  caafimaadka Gobolka. ayuu yidhi isku-duwaha caafimaadka gobolka Sanaag,

Category