Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Oo Ka Hadashay Kor U Kac Ku Yimid Qiimaha Shidaalka  Dalka

Hargeysa(RH):-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Eng Cabdiraxmaan Muxumed Abdeeq ayaa faah faahin ka bixiyey kor u kac ku yimid maalmihii ugu dambeeyey qiimaha shidaalka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasime Cabdiraxmaan Muxumed Abdeeq waxa uu sheegay in wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland ay soo saartay wareegto hoos loogu dhigaayo qiimaha Shidaalka, isaga oo fariimo kala duwan u diray bulshadda iyo sidoo kale ganacsatada,waxaanu faah faahin ka bixiyey Agaasimuhu waxyaalaha keenay in Shidaalku uu kor uga kaco Somaliland.

Waxa uu agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland sheegay in bilihii ugu dambeeyey uu kor u kacaayey qiimaha shidaalku, waxaanu cadeeyey in ay la socdaan, warbixina kasoo saaraan hadba halka uu maraayo qiimaha shidaalka caalamku, waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay wasaaraddu marwalba ku kormeerto ganacsatada reer Somaliland ee soo dejisa shidaalka in ay wax ka bedeleen qiimaha iyo in kale, madaama oo suuqyadda ay tagaan oo kasoo iibsadaan.

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland waxa uu sheegay in ay eegaan in ganacsatada shidaalka keenta ay wax ku dareen qiimaha shidaalka iyo in kale,madaama oo ay la socdaan qiimaha shidaalku ka maraayo caalamka,waxaanu xusay in ay ka joojiyaan haddii ay wax ku daraan qiimaha shidaalka isaga oo caalamka aanu qiimuhu kicin, haddii uu caalamka kacona ay ku amraan in ay qiime macquul ah ku daraan.

Agaasime Abdeeq waxa uu sheegay in ay wasaaraddu soo saartay wareegto, kadib markii ay samaysay baadhis badan,waxaanu cadeeyey in wasaaraddu soo saartay in naaftada lagu iibiyo 5800 oo Somaliland Shilling ah,waxa ay sidoo kale Batroolka kaalmuhu ku iibin doonaan 6200 oo Somaliland Shilling ah.

Waxa uu Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiisku usoo jeediyey cid kasta oo qiimaha shidaalka ka hadlaysa in ay marka hore baadhis sameeyaan, isla markaana ay ciddii ay khusayso lasoo xidhiidhaan.

 

Category