Wasaarada Xannaanada Xoolaha Jsl Oo Ka Hadashay Mashruuca Taranta Xoolaha Iyo Tayaynta Calafka Xoolaha Ee Banka Wajaale

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa ka waramay mashruuca Taranta xoolaha  iyo Tayaynta calafka xoolaha ee Banka Wajaale kaas oo uu sheegay inay wasaaradda xanaanada xooluhu hindistay.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaasi wasaaradda ugua gol lahayd sidii loo tayayn lahaa taranka xoolaha, caanahiisa iyo cadkiisa iyo sidii calafka xoolaha loogu beeri lahaa mid nafaqo leh. Iyadoo mashruucaasi laga bixin doona miisaaniyadda qaranka isla markaana aanay jirin cid ka caawinaysay xukuumadda.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa beeniyay eedo uu wasaaradda xaanaanada xoolaha u jeediyay mid kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, waxaanu wasiirku sheegay in mashruuca Taranta xoolaha  iyo Tayaynta calafka xoolaha ee Banka Wajaale aanu ahayn mid ku xidhan gobol iyo dagmo toona ee uu yahay mashruuc qaran ka wasarad ahaana aanay kala xadaynin dhulka, waxaanu intaa raaciyay in mashruucaasi aanay sheegan karin cid gaar ah ama deegaan gaar ah ee loo samaynao Somaliland.

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay xildhibaankaasi uu isku dirayay bulshada reer Somaliland oo uu qabiil  iyo gobol u kala qaybiyay.

 

Category