Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Shirweynaha Saddexaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana shirkaas dib loogu doortay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inuu noqdo Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo Bisha Novermber 2022ka, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana dib loogu cugtay Maxamed Cali Aw Cabdi.

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa sheegay in ay joojiyeen guud ahaanba dadkii  booqashooyinka ku tagi jiray 14-ka Xabsi ee gobollada dalka oo dhan, si maxaabiista Jeelasha ku jirta ay uga badbaado soo laba kaclaynta xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

 

Hargeysa(RH):-Waxaa Maanta magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland  Si rasmi ah uga furmey Shirka Ansixinta Hagayaasha Maamulka Iyo Baadhista Hirgalinta Nidaamka Mushahar-Bixinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland

 

Shirkan ayaa waxaa Daah-furtey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland,Waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiinta ugu sareysa Wasaaradaha  iyo Hay’ada kala duwan ee dawlada Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqda aqoonsiga wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Amb, Abdulla Alnaqbi.

Wakiilka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay.

Hargeysa(RH):-Qiimaha Shidaalka ayaa kor u kac xoogan laga dareemayo todobaadkan guud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo keentay in shacabku ka muujiyaan qaylo dhaan xoogaan.

 

Bulshada gadiidlayda gaar ahaan basaska oo qayb ka weyn ka isu-socodka gobollada iyo magaaloyinka gudahooda ayaa sheegay in gacansatada keena shidaalka ay ku tacadiyaan shacabweynaha jamhuuriyadda Somaliland