Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee Kulmiye UCID iyo Waddani ayaa la kulmay Wefti ka socday dalalka Beesha Caalamka oo dalka u yimid arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee wakiilada iyo Deegaanka.

Wefdiga ka socday saaxiibada Somaliland ayaa ay kala yihiin Wufuud ka socota 9 dawladood iyo 9 Danjire kuwaas oo ay wehelinayaan Diblomaasiyiin sarsare si ay ugu kuurgalaan arrimaha doorashooyinka JSL ee qabsoomaya 31-ka May.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana ay ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti

Berbera(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil si rasmi ah  uga dhax-dhigtey mashruuc balaadhan oo lagu horumarinayo xeebta Batalaale ee ku taal magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxaanuu isugu jiraa samaynta dhismeyaal casri ah oo xeebtaasi yeelan doonto, goobo gaadiidka la dhigo, goobo lagu nasto iyo nadiifinta xeebtaas.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Kate Foster oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimi safar shaqo oo ah safarkii ugu horreeyey maaddaama safiirku cusub yahay.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku yimi dalka Somaliland, kana socday dalka Qadar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed oo ay weheliyaan Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa kormeer ku tegay dhismaha Madxafka Qaranka oo waqtigan dhismihiisu gebo gebo ku dhow yahay.

Hargeysa(RH):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay inuu dawladda Taiwan kala hadlay sidii looga sii wada faa’iidaysan lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.