Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xukuumadda iyo ganacsatada dalka u soo jeediyey in la kiciyo wershada Sibidhka ee Berbera taasi oo xidhan muddo soddon sanno ah.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Maalgelinta Warshada Sibidhka ee Berbera ay qaranka muhiim u tahay in deg-deg loo  howl-galiyo.

Hargeysa(RH):-kumanaan qof oo isugu jira masuuliyiinta dawladda hoose , dawladda dhexe, Xisbiyada iyo shacabweynaha magaalada Hargeysa ayaa saaka u dareeray olale lagu nadiifinaayo dooxa weyn ee Magaalada.

 

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo horkacaayey olalaha ayaa sheegay in talaabo adag lagu qaadi dooni cidi isku dayda in ay wasakhayso dooxa iyo guud ahaan Magaalada .

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo ay weheliso Hay’adda FAO, ayaa Magaalada Hargeysa ka dhagax-dhigay Xarunta la dagaalanka Ayaxa  taasi oo ahaan jirtay xarunta ugu weyn xarumaha La dagaalanka ee Geeska Afrika.

 

Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo gacan ka helaysa Hay’adda FAO, ayaa dib u dhisaysa xaruntii ugu ballaadhnayd ee la dagaalanka Ayaxa, si loo sii xoojiyo dedaallada wasaaradda Horumarinta beeraha ee la dagaalanka Ayaxa.

Hargeysa(RH):-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa maanta si rasmiya u ansixisay natiijada guddida doorashooyinka ee golaha degaanka ee degmada Hargeysa, waxaana ansixinta maxkamadda goob joog ka ahaa masuuliyiinta gobolka Marooijeex, saraakiil ka socday saddexda xisbi Qaran, taliyaha ciidanka booliska ee Somaliland, iyo mudanayaasha golaha degaanka ee la doortay.

Hargeysa(RH):-Bah-wadaagta Beesha caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka saacida dhinaca dimuqraadiyadda,  ayaa shacbiga, Xisbiyada Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Hay’adaha Xukuumadda Somaliland ku bogaadiyey  doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka ee sida nabada ah uga qabsoomay dalka  sannadkan 2021ka.

 

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaga oo ka jawaabay baaq  u soo diray Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo ah ka mid ahaa xubnihii golaha deegaanka ee dhawaan ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday, waxa uu  kulan gaar ah la qaatay mudanahan iyo tiro xubno golaha deegaanka caasimadda ee cusub oo ah oo uu hoggaaminayo.