Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha hay’adda caymiska Qaranka Somaliland, Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), ayaa sheegay in sannadka soo socda bishiiisa koobaad gaadhigii aan Caymis lahayni inuu jidadka maro an la aqbali doonin.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay soo saareen wareegto gaadiidlayda kala duwan ee ku sugan gudaha dalka ku waajibinaysa in la caymiyo dhibaatada uu gaysto gaadhiga qofku uu wato.

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa ayaa shaacisay inay gacanta ku hayso hirgelinta hay’ad dowladdeed oo qaabilsan faaf-reebka Buugaagta ay qoraan bahda Qalinleyda Dalku.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa hadalkaasi ka sheegay Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannadkii 14aad galay,

Hargaysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaacisay in ay dhawaan duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan loo rarri doono xarunta xanaanaynta xayawaanka ee Debis.

 

Xarunta Debis oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, ayay wasaaradda deegaanka Somaliland gacanta ku haysay labadii sanadood ee u danbeeyay, isla markaana ay imika ka socotaa diyaarintaa qaybtii la dejin lahaa duur joogta Dugaagga ah.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Dawladda Maraykanka wuxuu ku booriyey in ay Somaliland toos ula macaamilaan, maadaama oo ay tahay dal madaxbannaan oo dimuqraadiyad taabogal ahi ka hirgashay.

Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, wuxuu sidaas ku sheegay Warqad qoraal ah oo  uu  u diray Dawladda Maraykanka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud ee Magaalada Hargeysa.