Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Fuqi-fuliye(RH):-Danyarta deegaanka Fuqi-fuliye ee koonfurta gobolka Sanaag, ayaa loo qaybiyay xoolo seko ah, waxaana u qaybiyay qaar ka mida culimada iyo waxgaradka gobolkaasi.

Culimada waayeel iyo waxgaradka gobolka Sanaag, ayaa sannadihii danbeeyay deegaanadaasi uga waday si tabarucaad ah soo ururinta iyo bixinta xoolaha sekada ah.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Hargeysa(RH):-Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa Xaqiijisay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Bade oo warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu kor u kac ku yimi xaaladda xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Hargaysa(RH):-Fadhigii 78-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada iyo miisaaniyadda 2022-ka

Waxaana warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

Ceerigaabo(RH):- Xukuumadda Somaliland ayaa kordhisay xarumaha adeegyada caafimaadka ee gobolka Sanaag isla markaana ka hir gelisay Cisbitaallo casri ah oo gobolka ka hawl gala.

 

Dr Xasan Axmed Saalax isku-duwaha caafimaadka gobolka Sanaag,ayaa iftiimiyay tirada xannaanooyinka gobolka ka shaqeeya iyo inta ay ku kordhisay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hargeysa(RH):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay in ay joojisay adeegsiga iyo ka ganacsiga bacaha oo khatar ku ah deegaanka iyo Xoolaha nool.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xukuumaddu ay dib u dhaqan gelisay wareegtadii kasoo baxday xukuumaddii Madaxweyne Silaanyo sannadklii 2015-kii ee lagu mamnuucay soo dejinta ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha.