Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Taliyaha guud Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa kormeerey  qaybaha kala duwan uu ka kooban yahay Mashruuca wax-soosaarka  banka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley oo ay  ciidamada Booliska Somaliland ka beereen dalagyo kala duwan oo isugu jira Galay,Hadhuudh,Harakoo iyo sidoo kale Basal.

Hargeysa(RH):-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskhaasiga Caalamiga ah Dr Ciise Kayd Maxamuud oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Taiwan Dr. Jaushieh Joseph Wu, ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada wadan iyo arrimo kale.

Kulanka oo  ku qabsoomay hanaanka muuqaalka ayey ku wehelinayeen Wasiir Dr Ciise wakiilka Taiwan u jooga Somaliland iyo ka Somaliland u magacowday dalka Taiwan, halka Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan ay kulanka ku wehelinayeen Wasiir-xigeenka iyo madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan

 

Hargaysa(RH):-Xubno ka mid ah golaha wasiirradda Somaliland ayaa  si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha xarunta maaraynta xogta dhulka iyo biyaha oo laga hirgelinayo xarunta wasaaradda deegaanka ee maagaladda Hargaysa.

Xaruntani oo noqonaysa tii u horaysay oo nooceedda ah ee Somaliland  laga hirgeliyo waxaa wada isticmaali doona wasaarradaha deegaanka, biyaha, beerraha, qorshaynta, wasaaradda xanaanadda xoolaha, iyo ha"ayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.

Hargeysa(RH):-Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta dib loo dhigay muddo 14 maalmood ah.

guddida qaban qaabada shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI ayaa shaaciyay in muddo 14 maalmood ah dib loo dhigay shirweynaha Xisbigaasi Waddani oo qabsoomi lahaa 30-31 October 2021

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xisbiyada mucaaradka Somaliland ugu hambalyeeyeen guulihii ay ka gaadheen doorashooyinkii isku sidkanaa ee wakiilada iyo Deegaanka, isagoo sheegay in Somaliland dimuquraadiyadda kaga duwan tahay waddamada kale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guul ay Somaliland u tahay in madaxda axsaabta kala duwani ay goob kasta wada joogaan, isla markaana tar tamaan, kala badiyaan, haddana is ku hambalyeeyaan.

Hargeysa(RH):-Maxkamadda Sare ee JSL oo laashay go’aan, ay Hay’adda Caymiska Qaranku  gaar ugu xidhay Shirkada Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka dekeda Berbera, sidoo kale waxay ayiday go’aamo gaadiidka lagu farayo in ay caymiska qaataan, halka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Caymiska Qarankana la faray, in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda Berbera.

Hargeysa(RH):-Fadhigii 79aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-bixino lagaga dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Hargeysa(RH):-Allah Ha U Naxariistee waxaa goordhaweyd oo caawa ah  Cispitaal ku yaal Dalka Turkiga ku Geeriyooday Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka mid ahaa Salaadiinta faca-weyn ee reer Somaliland.

 

geerida suldaanka ayaa waxaa Xaqiijiyeyey xubno ka mid ah qoyskiisa oo ku sugan dalka Turkiga 

Boorama(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti Balaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay Xaflada Qalin-Jebinta dufcadii 20aad oo ay ka qalin jabiyeen in arday gaadhaysa 995-arday kuwaasi oo dhamaystay  qeybaha kala duwan ee waxbarashada Jamaacada Camuud.