Warar

Shirkadda saliida ee Dowladda Sacuudiga ee Aramco ayaa heshay lacag dhan 25.6 bilyan oo doolar markii ugu horeysay.

Shirkadda oo dhawaan soo bandhigtay in ay iska iibineyso saami dhan 1.5 boqolkiiba ayaa haatan saamigaas ka iibisay suuqyada saamiyada caalamka.

Saamiga ay iibisya shirkadda Aramco ayaa ah kii ugu badnaa abid, taas oo ka badan shirkadda Alibaba oo sanadki 2014-ka Magaalada New York ee dalka Mareykanka ku iibisay saami ay ka heshay lacag dhan 25 bilyan oo doolar.