Denmark – Fariin muhiim ah oo ka socota LøkkeFonden iyo Audi Danmark

Haddii aad leedahay wiil dhigta fasalka 7-aad ama 8-aad, islamarkaana uu la tacaalayo dhib dhanka waxbarashada ah ama uu dareemayo inuu ka fog yahay saaxiibbada iyo bulshada – waxaa jira fursad muhiim ah oo isbeddel dhab ah keeni karta.

DrengeAkademiet waa barnaamij gaar ah oo ay wadaan LøkkeFonden iyo Audi Danmark, kaasoo si gaar ah loogu talagalay wiilasha da’yar ee ay haystaan caqabado nololeed iyo waxbarasho. Barnaamijku wuxuu ka kooban yahay xero waxbarasho oo socota laba toddobaad iyo barnaamij hagid muddo hal sano ah, iyadoo sidoo kale waalidiinta lagu dhiirrigelinayo in ay qayb ka noqdaan taageerada wiilkooda.

Wiilasha ka qaybqaata waxay helayaan:

  • Kalsooni iyo niyad-dhis

  • Horumar weyn oo dhanka akhlaaqda, xiriirka bulshada iyo waxbarashada ah

  • Fursado ay ku helaan la-taliye gaar ah iyo la kulanka dad u ah tusaale nololeed

Ka qaybgalka waa bilaash, waxaana natiijooyinku yihiin kuwo caddaynaya horumar muuqda.

👉 Wixii faahfaahin dheeraad ah, booqo: www.loekkefonden.dk
Ama la xiriir idaacadda si aan kuu siino macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan codsiga.

Ha moogaan fursad ka beddeli karta mustaqbalka wiilkaaga!
DrengeAkademiet – halkii uu isbedelka ka bilaabmi lahaa.

Category