Ciidamada Booliska Somaliland Oo Sannadkan Wax Soo-Saarkii Ugu Badnaa U Soo Go’ayo

Hargeysa(RH):-Taliyaha guud Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa kormeerey  qaybaha kala duwan uu ka kooban yahay Mashruuca wax-soosaarka  banka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley oo ay  ciidamada Booliska Somaliland ka beereen dalagyo kala duwan oo isugu jira Galay,Hadhuudh,Harakoo iyo sidoo kale Basal.

OK

Sidoo kale Taliyaha Guud ee ciidamada Booliska Somaliland Waxaa uu  tababar u soo xidhay ciidamada fardaha ee Booliska  Somaliland.

Mashruuca wax-soosaarka  banka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley ayaa Ugu horeyn waxaa warbixin ka siiyey Taliyaha Guud ee ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) taliyaha Ciidamada Booliska ee Mashruuca Banka Wajaale Sheekh Maxamed,waxaanu tilmaamay in ay tabobar siiyeen soddon faras oo taliyaha Ciidanka Boolisku hore ugu amray in ciidamada loo tababaro,kaas oo waqtigan uu tabobarkii u dhammaaday.

SD

Waxa isna halkaas ka hadlay Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale),waxaanu tilmaamay in socdaalkiisu kamid yahay socdaaladii caadiga ahaa ee uu ku kormeeri jiray ciidamada,waxaanu cadeeyey in uu doonaayey in uu arko wax soo saarka Mashruuca Banka Wajaale iyo waxyaalihii sannadkan kasoo go’ay,isaga oo intaas ku daray in ay diyaariyeen saddex cagaf oo loogu talo galay in wax soo saarka lagaga qayb qaato.

Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) waxa uu sidoo kale sheegay in waqtigan la qiyaasaayo in ay mashruucaas Banka Wajaale ay ka soo go’i doonaan wax soo saar dhan 2000 oo Kiish oo Hadhuudh ah,1500 oo Kiish oo Galay ah,500 oo Kiish oo Harakoo ah iyo 2000 oo Kab-dadood oo Basal ah,waxaanu intaas ku daray in wax soo saarkaas qayb hadda la jaray, halka qaybaha kalena gacanta lagu hayo.

ssa

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) waxa uu sidoo kale sheegay in la dejiyey qorshe wax soo saar, kaas oo lagu soo saari doono cunto uu ciidanku isticmaalo.

sds

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) waxa uu xadhiga ka jaray soddon Faras oo uu u dhammaaday tabobar la siinaayey muddo sagaal bilood ah,kuwaas oo qayb ka noqon doona sugida amaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Category