Denmark : Gudoomiyihii xisbiga Konservative oo si kadis ah ugeeryoodey

RH: Søren Pape Poulsen  oo soo noqdey gudoomiye degmo, wasiirka cadaalada ee Denmark hadana hayey xilka gudoomiyaha xisbiga konservative ayaa si kadis ah ugeeryoodey caawa , waxay u muuqataa in bixitaankiisu uu ka tagay boos weyn oo bannaan quluubta iyo nolosha dad badan Denish ah , ha ahaato dhinaca shaqsiyadda ama xirfadda.

Tacsiyo kala duwan ayaa soo gaaraya saxaafada iyo baraha bulshada sida X,  laga soo bilaabo madaxda Dansk Erhverv, xildhibaanada baarlamaanka  , ilaa ra'iisul wasaaraha Sweden, taas oo muujinaysa saameynta ballaaran iyo raadka uu ku reebay dad badan.

Waxaa laga dheehan karaa tacsidaas in Søren uu ahaa qof si weyn loo ixtiraamo oo loo jecel yahay, isaga oo ka gudbay xuduudaha siyaasadeed iyo kuwa qaran sida uu qoray TV2, marka laga qiimeynayo dhanka  shaqadiisa iyo dabeecaddiisa.

Geeridiisa degdegga ah ee uu ku geeriyooday 52 sano , sababo la xidhiidha dhiig kaga furmey maskaxda, waa xasuusin murugo leh oo muujineya sida fudud ee dunida looga tagi karo, sida uu sheegay falanqeeya sare Hans engel.

Si kastaba ha ahaatee, xusuusta iyo xidhiidhada uu abuuray intii uu noolaa—iyada oo loo marayo shaqadiisa iyo sida uu ula dhaqmay dadka—ayaa sii noolaan doonta, si qoto dheer ayaa loo xasuusan doonaa oo loo sharfi doonaa ayuu qorey bogga TV2.dk

Category