Diyaarad nooca xamuulka qaada oo shil ku gashay garoonka Muqdisho

Muqdisho (RH)-In kastoo howlihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay caadi ku soo laabateen,haddana muddo daqiiqado ah ayaa howlihii garoonka la joojiyay kadib markii goor sii horraysay diyaarad nooca xamuulka qaada ku degtay dhabbaha diyaaradaha ee garoonka ka duulaan kana soo deggaan.

Masuuliyiin ka tirsan garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in diyaaradda ay candhada dhigatay dhabbaha diyaaradaha ay ka duulaan isla markaana ay furmi waayeen cagaha.

Diyaaradda ayaa ka timid degmadda Diinsoord oo ka tirsan gobolka Baay, oo ay geesay Xamuul waxaana la sheegay inay dib ugu soo laabanaysay magaalada Muqdisho.

Markii diyaaradda ay candhada dhigtaya dhabbaha diyaaradaha ay ka kacaan kana soo degaan ayaa shaqaalaha garoonka Muqdisho ka shaqaynayaan waxaa ay isku dayeen sidii diyaaradda looga wareejin lahaa dhabbaha ay diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.

Diyaaraddan ayaa waxa ay u rarnayd mid ka mid ah shirkadaha gaarka ah loo leeyahay ee ka howgalka Soomaaliya.

Illaa hadda masuuliyiinta dowladda kama hadlin waxa sababay in diyaaradda xamuulka ay candhada dhigato dhabbaha ay diyaaraduhu soo caga-dhigtaan ama ka duulaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category