Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo iska leexisay eedaymo ay Somaliland u jeedisay

Jig-jiga(RH):-Xukuumada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka jawaabtey eedaymo ay maanta u jeedisay Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku eedaysay inay ciidamadoodu qayb ka yihiin ciidamada kala duwan ee ka dagaalamaya gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.  Xukuumadda DDS ayaa eedaymahaasi iskaga leexisay gees.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda DDS ayaa u dhignaa sidan:-

Shir ay maanta oo taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.

In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.

Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland.

—— Dhamaad ——

Category