Maraykanka Oo Soo Dhaweeyey Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan

Hargeysa(RH):-Dawladda Dalka Maraykanka ayaa ammaantay xidhiidhka Cusub ee dhexmaray dawladdaha Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa soo si weyn u soo dhaweeyey galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaana Jamhuuriyadda Somaliland.

Maraykanka ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay shaqada ay taiwan ka bilowday bariga Afrika oo uu ula jeeday xidhiidhka ay la yeelatay Jamhuuriyadda Somaliland .

“Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xidhiidh ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto, aiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan! ” ayaa lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka.

Maraykanka ayaa Sidoo kale diblumaasiyad weyn ku tilmaamay xidhiidhka labada dhinaca sida ay qortay Wakaaladda wararka ee Associated Press “Waa guul laga gaadhay xidhiidh diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xidhiidh la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”

Dhinac kale, Dawlada Taiwan oo ka dareen celisay hadalkan ka soo baxay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland la sameeyeen xidhiidh diblomaasiyadeed, is waydaarsadeen wakiilo kala meteli doona labada dal, laba dhinacna xafiisyo ka furteen caasimadaha. Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Taiwan waxay sheegtya in xidhiidhkan saaxiibtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland sababi doono iskaashi dhexmara laba dawladood oo ku qotoma dhinacyada, Beeraha, waxbarashada, Kalluumaysiga, Tamarta iyo Macdanta,iyo kuwo kale oo mihiim u ah labada dhinac.

 

 

 

Category